Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Yemen oo ka wada-hadlay xiriirka labada dal

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Yemen ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Fadal Ali Ahmed Alhanik, iyaga oo yeeshay kulan ay uga hadleen Arrimo dhowr ah.

Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga si la mid ah arrimo siyaasadeed iyo nabadgelyo oo labada dal ee walaalaha muhiimad u leh, waxa kale oo ay isla faaqideen xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida ee labada dal ay daneynayaan.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha joogtada cusub ee Wasaaradda Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur iyo Agaasimaha Waaxda Carabta Mudane Mustafa Aadan Dagaal.

Dowladda Yemen ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha dalkooda kusoo dhaweeyey Qaxooti farabadan oo Soomaaliya,sidoo kale waxaa xusid mudan in Magaalada Muqdisho ku sugan yihiin Qaxooti u dhashay Yemen oo kasoo cararay dagaaladii ka dhacay dalkaas.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo Yemen oo ka wada-hadlay xiriirka labada dal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this