Sign in to follow this  
Deeq A.

Guuleed: “Waxaa laga yaabaa in qaraxyada kaamirooyinka ay ka dambeyso shirkad”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye Kuxigeenkii hore ee Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdisalaan Yuusuf Guuleed ayaa ka hadlay qaraxyadii aroornimadii hore ee saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho, laguna burburiyay kaamirooyinka wax duuba, ee laga hirgeliyay hareeraha isgoysyada qaar ee ku yaala magaalada.

Markii labaad ayaa sanadkan gudahiis la beegsaday qalabka wax duuba ee ku yaala Wadada Maka Al Mukarama, iyadoona dhulka lagu soo dhigay baalayaashii ay ku xirnaayeen.

Dhawr qarax oo is xig-xigay ayaa xilligii Salaadda Subax lagu burburiyay qaar ka mid baalayaasha ay ku xiran yihiin kaamirooyinka loo yaqaano (CCTV-ga), ee lagula socdo dhaqdhaqaaqa amniga.

Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA oo la hadlay BBC ayaa marka hore sheegay in ay horey u jireen bartilmaameed lagu ugaarsanayay baalayaasha ay ku xiran yihiin nalalka ileyska cadceedda ku shaqeeya. Ujeedaduna ay tahay in lagu curyaamiyo horumarinta magaalada, sida uu yiri.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo kaamirooyin qarsoon oo lagula socdo amniga kaamirooyinka CCTV-ga, si loo ogaado cidda burburinaysa.

“Waxay ahayd kaamirada, kaamira kaloo ilaalisaa inay jirto, oo kaamiro qarsoon ay ahaato oo aan loo jeedin, midda weyn ee la beegsan karo mid kaloo qarsoon ama aan la arkeynin in loo sameeyo, qofkuna uusan fahamsanayn meesha ay ku taalo, si hadhow loo ogaado ciddii waxaan ka dambeysay.” Ayuu yiri Cabdisalaan Yuusuf Guuleed.

Waxa uu soo hadalqaaday inaanay laamaha amniga waxba ka baran qaraxyadii bishii January lagu burburiyay kaamirooyinka CCTW-ga ee laga hirgeliyay Wadada Maka Al Mukarama.

“Dhawr kaamiradood ayaa hadda ka hor la qarxiyay, hadana muuqaalkii wax qarxinayay illaa hadda ma’aynu hayno. Marka in wax laga barto laftigeedu way ahayd, kaamirada muuqatoo la bartilmaameedsaday kaamiro kaloo qarsoon waa in la hoos dhigo, si loo ogaado cidda waxaan ku shaqaysanaysa.” Ayuu yiri Cabdisalaan Yuusuf.

Guuleed ayaa qaba laga yaabo in kaamirada qarsoon ay xog muhiim ah bannaanka keeni laheyd, isagaa oo muujiyay in cidda falalkan gaysanayso ayba noqon karto shirkado kale oo ka xun shirkaddii heshiiska lagu siiyay in ay kaamirooyinka ku xirto wadooyinka.

“Waxaa laga yaabaa inuu jiro tartan u dhaxeeya shirkadaha, shirkaddii qandaraaska heshiiska kaamirooyinka la siiyay mid kaloo la dagaashan inuu yahay, laakiin cidda aan falalkaasi ku ognahay waa Shabaab.” Ayuu yiri Guuleed.

Qaraxyadii saakay lagu burburiyay kaamirooyinkan ayaa ahaa kuwo si weyn looga maqlay Caasimadda Muqdisho, waxayna ku soo aadeen, xilli inta badan ay dadka magaaladu hurdeen. Qaraxyadan ayaa qalqal iyo baqdinba ku abuuray bulshada, iyadoo aad arki kartay sida ay dadku wax isaga weydiinayeen qaraxyadaasi iyo wixii ay ahaayeenba.

Qaraxyadan ayaa waxay ku soo aadayan, saacado ka dib, markii xalay weerar madaafiic ahaa lagu ekeeyay Xarunta Xalane, oo ay degan yihiin Qaramada Midoobey, Taliska Ciidamada Midowga Afrika, ayna ku yaallaan Safaaradaha Wadamada Reer Galbeedka, ee cilaaqaadka dhow la leh Dowladda Federaalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this