Deeq A. Posted March 19, 2020 Muqdisho (SMN) – Qoraal kooban uu soo saaray xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa si kulul loogu cambaareeyay weerar madaafiic ah oo xalay lagu qaaday xarunta xalane ee magaalada Muqdisho. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in weerarkaasi madaafiicda ah ee lagu qaaday xeyn daabka xalane uusan hoos u dhigi doonin taageerada joogtada ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Xafiiska UNSOM ayaa horay u xaqiijisay in dhowr madfac lala beegsaday xeyn daabka xalane ee nawaaxiga Muqdisho,waxaana Qaramada Midoobay ay sheegtay in baaritaanka weerarkaasi ay u xil saareen saraakiil dhanka amaanka ah. Si kastaba ha’ahaatee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay faah faahin ka bixin doonaan weerarkaasi madaafiicda ah,isla markaana ay soo sheegi doonaan hadii ay jiraan qasaaro ay geysteen madaafiicdaasi marka uu soo dhamaado baaritaanka ka dhanka ah weerarkaasi. Dhanka kale, Al-shabaab ayaa barahooda Internetka ku sheegay in weerarkaasi madaafiicda ah ay ka danbeeyeen,isla markaana ay hoobiyayaal la beegsadeen gudaha xarunta xalane. Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegay in xarunta xalane ay la beegsadeen ilaa shan hoobiyayaal,isla markaana ay jiraan qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah sida Al-shabaab ay ku sheegeen barahooda internetka. Ma ahan markii ugu horeysay oo weerar madaafiic ah lagu qaaday xeyn daabka xalane ee nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee Muqdisho,balse inta badan weeraradada madaafiicda ah ee lagu qaado xarunta xalane ayaa waxaa dusha u rita dagaalyahanada Al-shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites