Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamada ciidanka qalabka sida oo sii deysay MAS’UULIYIIN u xirnaa Al-Shabaabnimo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa sii deysay mas’uuliyiin hore oo ka tirsanaa maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaas oo u xirnaa eedeymo la xariira Al-Shabaabnimo.

Xubnaha la sii daayey ayaa kala ahaa Ismaaciil Aadan Cadow oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada degmada Afgooye, Cabdi Jaamac Cabbdi oo isna ahaa guddoomiyaha waaxda Ceelasha Biyaha, Daahir Cali Cabdi oo isna ka tirsanaa ciidanka ilaalada deegaanka Minishiibiyo iyo Cabbdikariim Nuur Maxamuud oo ahaa beeraley.

Dhammaan xubnahaan ayaa waxaa lagu soo eedeeyey inay ku lug lahaayeen qarax gurigiisa lagula dilay lixdii November sanadkii tegay guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada maamulka goboolka Shabeellha Hoose Marxuum Cumar Maxamuud Cilmi.

Hay’adaha ammaanka ayaa afartaan eedeysane gacanta ugu soo dhigay siyaabo kala duwan, iyadoona xafiiska xeer ilaalinta maxkamada ciidamada qalabka sida ay la wareegtay bartimihii December iyo sidoo kale dabayaaqadii bishii January.

Intii ay socotay dhageysiga dacwadda loo heystay raggan ayaa mid kamid ah Qareenada difaacayey eedeysanayaasha wuxuu maxkamadda ka hor sheegay in aysan jirin wax cadeyma ah oo muujinaya in ay ka dambeeyeen qaraxaasi, sidaas darteedna ay u codadeen inaan loo ciqaabin natiijada tuhun aan buuxin shuruudaha eedda.

Ugu dambeyn guddoomiyajha maxkamadda darajada koowaad ciidamada qalabka sida dowladda federaalka Soomaaliya, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa ku dhawaaqday in afarta eedeysane ay xur yihiin, hadii aysan jirin eedo kale oo loo haysto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this