Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Magacyada urur siyaasadeedyada is diiwaan galiyey

Recommended Posts

Deeq A.   
G.-GUULEED.gif?w=1000&ssl=1G. TPEC, Guuleed Saalax Bare

Guddiga doorashooyinka KMG ah ee dowladda Puntland oo haatan shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Garoowe ayaa si rasmiya u shaaciyay urur-siyaasadeedyada ay diiwaan-geliyeen saddexdii bilood oo la soo dhaafay.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Guuleed Saalax Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in mudd saddex bilood gudahood ah si hor dhac ahku diiwaan-geliyeen 17 urur-siyaasadeed.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in 17-ka urur siyaasadeed ay buuxiyeen shuruudaha hordhaca ah ee laga doonayo ururrada siyaasadda Puntland.

Mudane Guuleed Saalax ayaa sidoo kale sheegay in shuruudaha kale ee u harsan ururrada siyaasadda laga doonayo in ay soo dhammaystiraan ugu dambeyn 22-ka bisha Apriil ee sannadkan 2020.

TPEC_Political-Associations_Press-Releas

©PUNTLAND POST

The post Puntland: Magacyada urur siyaasadeedyada is diiwaan galiyey appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this