Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Illaa iyo 5 qarax ayaa saaka aroortii hore laga maqlay aagga waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo waramayaa in qaraxyadaas lala eegtay baallayaasha xambaarsan muuqaal keydiyeyaaasha qarsoon ee dhawaan lagu xiray wadooyinka Muqdisho (CCTV Cameras).

Qaraxyada ayaa si gaar ah waxaa loola beegsaday baallayaasha ku yaalla inta u dhaxeyso isgoysyada Dabka iyo Sayidka.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxyada kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Waa markii labaad oo qaraxyo miino lagu xirayo baallooyinka lagu rakibay Kaamirooyinkaan oo loogu talagalay in lagula socdo dhaq dhaqaaqa guud.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this