Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo war ka soo saartay weerarkii xarunta Xalane

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay Soomaaliya ee UNSOM ayaa qoraal kooban uu soo saaray faah faahin uga bixiyey weerar madaafiic ah oo xalay lagu qaaday xarunta Xalane ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in madaafiic fara badan lagu weeraray xarunta Xalane oo Qaramada Midoobay, AMISOM, safaarado iyo hay’ado caalami ah ay dagan yihiin.

Sidoo kale QM ayaa sheegtay in weerarkaasi madaafiicda ah ay u xilsaartay saraakiil dhanka amaanka ah, islamarkaana ay baaritaan ku sameyn doonaan dhacdadaasi.

Xafiiska UNSOM ayaa ugu dambeyn shaaciyey inuu dib ka faah faahin doono khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay in illaa shan hoobiyeyaal ah ay la beegsatay gudaha xarunta Xalane oo ah meel amnigeeda si weyn loo ilaaliyo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this