Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo guddi u xil-saartay baaritaanka weerarkii XALANE

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska howlgalka kaalmeynta QM Soomaaliya ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano UNSOM ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray weerar madaafiic ah oo lagu qaaday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

UNSOM ayaa qoraalkeeda ku shaacisay in tiro hoobiyeyaal ah xalay lagu weeraray xarunta Xalane oo ay xarumo ku leeyihiin Qaramada Midoobay iyo AMISOM.

Sidoo kale waxaa xarunta degan hay’ado caalami ah iyo safaaradaha qaar ka mid ah wadamada caalamka.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dhacdadaasi loo saaray guddi saraakiil ah oo qaabilsan dhanka amniga, si ay baaritaano dheeraad ah ugu soo sameeyey weerarkaasi.

UNSOM ma shaacin khasaaraha rasmiga ee ka dhashay madaafiicda ku hoobatay gudaha xarunta Xalane, basle waxa ay sheegtay inay dib ka faah faahin doonto.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuyliyaddan weerarkaan, iyada oo baahisay in illaa shan madfac ay la heshay gudaha xaruntaasi oo si weyn loo ilaaliyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this