Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo guddoomiye ku toogtay gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan ay dil ka geysteen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay marxuum Xasan Mayow Isaaq oo ahaa guddoomiyaha deegaanka Goof-Gaduud Buurey oo ka tirsan gobolka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ragga dilka fuliyey ayaa la sheegay inay weerar gaadma ah ku qaadeen goob uu ku sugnaa guddoomiyaha, islamarkaana uu markii hore soo gaaray dhaawac culus.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Xasan Mayow Isaaq oo la dhigay isbitaalka Baydhabo uu saacado kadib u geeriyooday dhaawaca ka soo gaaray weerarkaasi.

Al-Shabaab ayaa dhabarka u ridatay mas’uuliyadda dilka marxuumka, iyada oo sheegtay in dagaalyahannadii fuliyey ay si aayar ah goobta uga baxsadeen.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo kan Koonfur Galbeed oo ku aadan dhacdadaasi.

Goof-Gaduud Buurey oo qiyaastii 30 KM oo kaliya u jira Baydhabo ayaa waxaa had iyo jeer weeraro ka fulisa kooxda Al-Shabaab oo welu ku xoogan gobollada Baay & Bakool.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this