Sign in to follow this  
Deeq A.

Kaamirooyin ku xirnaa waddooyinka Muqdisho oo la qarxiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilaa 5 qarax ayaa la maqlay Aroornimadii hore ee saakay, waxaana la sheegay in ay ahaayeen Miinooyin lagu dhajiyay Kaamirooyinka lagu xiray Wadada Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisho.

Dadka ayaa hurdada uga soo salalay (kacay) jugta Qaraxyada, waxaana xigay Rasaas ay rideen Ciidamo katirsan Kuwa ammaanka Dowladda Soomaaliya.

Kaamirooyinka qaraxyada lagu dhajiyay waxaa jidadka Caasimadda gaar ahaan isgoysyada ku xiray Laamaha ammaanka dowladda Federaal si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyada Gaadiidka iyo Dadka.

Lama soo sheegin Waxyeelo nafeed oo ka dhalatay Qaraxyadaas lagu xiray Kaamirooyinka Wadada Maka Almukarama, balse waxaa lasoo warriyay in waxyeelo ay gaarsiiyeen Kaamirooyinka.

PUNTLAND POST

The post Kaamirooyin ku xirnaa waddooyinka Muqdisho oo la qarxiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this