Deeq A. Posted March 19, 2020 Boqor Burhaan Boqor Muuse Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar waxaa saaka ku soo wajahan Boqor Burhaan Boqor Muuse oo kamid ah isimada waaweyn ee degaannada Puntland. Boqorka oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa la filayaa in uu saaka soo gaaro magaalada Qardho oo ay haatan ka socoto qaban-qaabada soo dhaweyn ballaaran oo loo samaynayo Boqorka. Boqor Burhaan oo in mudda ah safar shaqo iyo mid caafimaadba ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa 27-kii February dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo uu todobaadyadii dambe ku sugnaa. Boqorka ayaa lagu wadaa in markii uu soo gaaro magaalada Qardho uu halkaasi shacab weynaha soo dhaweeyay khudbad uga jeediyo. PUNTLAND POST The post Boqor Burhaan oo saaka ku soo wajahan magaalada Qardho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites