Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo qabatay madaxii Sakawaadka Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Kumaandooska Militariga dowladda Soomaaliya. ayaa la sheegay in ay degaanka Jannaale ku qabteen sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Hawlgal qorshaysan oo ciidanku ka fuliyeen degaanka Jannaale iyo nawaaxigiisa, ayay ku qabteen madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Sakawaad gobolka Shabeellada Hoose, sida laga soo xigtay saraakiisha Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya.

Sarakiisha ayaa sidoo kale sheegay, in horjoogahaas oo lagu magacaabo Maxamuud Yuusuf magaciisha Af-garashaduna yahay Mansuuur lala qabtay 7 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab kuwaas la socday.

Saraakiisha ciidamada, ayaa intaas raaciyay in ay weli hawlgallo kala duwan ka wadaan degaanka jannaale, oo ay maalmo ka hor la wareegeen, kadib markii ay halkaas isaga baxeen malayshiyaadka Al-shabaab oo horay u joogay.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo qabatay madaxii Sakawaadka Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this