Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaraxyo caawa laga maqlay xarunta Xalane iyo Al-Shabaab oo war kasoo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxyo xooggan ayaa caawa laga maqlay xarunta Xalane iyo agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inay maqleyn ugu yaraan afar qarax, oo ay u maleynayaan inay yihiin hoobiyeyaal lagu soo tuuray xarunta Xalane.

War kasoo baxay dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ay baahisay warbaahinta taageerta ayaa lagu sheegay inay madaafiic ku tuureen xarunta Xalane.

Madaafiicda lagu tuuray xarunta Xalane ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegeen in loo adeegsaday qoriga loo yaqaano Hoobiyaha, in kastoo aan lagu sheegin warkan halka laga soo riday.

“Mujaahidiinta ayaa illaa 5 mafac lahelay xerada Xalane oo ay deganyihiin ciidamada duullaanka kusoo qaadday dalka Soomaaliya, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Ma jiraan wax warar ah oo laga heli karo gudaha Xalane, oo la xiriira khasaaraha ka dhashay madaafiicda.

Al-Shabaab ayaa dhaw mar weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ku qaaday xarunta Xalane oo ay ku shaqeeyaan hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howgala dalka, isla markaana ay ammaankeeda sugaan ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM oo si weyn u ilaaliya xaruntaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this