Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabuuti oo Xaqiijisay kiiskii u horeeyay ee Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Caasimadda Online) – Dowladda Jabuuti ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyay ee fayraska Corona lagu arkay dalkaasi kadib markii uu soo gaaray wadamada Geeska Africa.

Wasiirka caafimaadka Dowladda Jauuti Maxamed Warsame Diiriye, ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in ay ka heleen qof u dhashay dalka Spain oo sugnaa Magaaladda Jabuuti ee Caasimada dalkaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in qofkaas uu dalka Jabuuti soo galay 14 Bishaan March  isla markaasna baaritaan lagu sameeyey lagu ogaaday inuu qabo cudurkaas.

Cudurkaan saf-marka ah ayaa maalmo ka hor laga helay dalka Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya oo ah wadamo wadaago xuduud.

Kiisaska Corona Virus ee laga helay dalka Kenya ayaa gaaray ilaa 7, halka Itoobiya la helay ilaa 6 Kiis, Soomaaliyana waxay Shalay xaqiijisay hal kiis.

Cudurka Coronavirus ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay Adudunyada, waxaana ilaa hadda lagu guuleysan la’yahay in lasoo saaro daawadiisa, inkastoo wadamo uu ku jiro Mareykanka la tijibaanayo tallaal cudurkaan looga hortagayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this