Sign in to follow this  
Deeq A.

Caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Galmudug oo dib loo dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga qaban-qaabada caleema-saarka madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Galmudug, ayaa dib u dhigay munaasabadda Caleema saarka oo dhici lahayd 26-ka Maarso 2020.

Guddiga ayaa sheegay in uu go’aankaas gaaray, markii uu arkay saameynta ay xannibaadda dayaaraduhu ku yeelatay qurbajoogta Soomaaliyeed ee ka qeyb geli lahaa munaasabadda, arkay talada dhakhaatiirta, dhegaystayna soo jeedinta dowladda Federaalka ee ah in la dhimo kulammada waaweyn.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay, in uu  garawsaday baahida loo qabo in maskax, muruq iyo maalba la isugu geeyo, ka hortagga faafidda caabuqa Korona iyo daryeelka dadka qaada Covid-19.

Sidoo kale, guddiga ayaa xusay in Caleema-saarka la qaban doono xilli ku habboon, kaas oo uu Guddigu la wadaagi doono Dadweynaha wakhtiga munaasabka ah.

PUNTLAND POST

The post Caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Galmudug oo dib loo dhigay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this