Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Soomaaliya oo xiray xarunta laanta CID-da

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliye ky xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Zakiyo Xuseen Axmed ayaa maanta shaacisay in beri la xirayo waaxda faraha ee CID oo bixisa warqadda dambi la’aanta.

Zakiyo ayaa sababta ku sheegtay taxadar ku aadan faafinta cudurka Coronavirus oo kiis ka mid ah dhowaan laga helay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in go’aankaan ay qaateen iyadoo la raacayo awaamiirta guud ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Iyadoo la raacaya awaamiirta guud DFS oo ku aadan taxadirka faafinta cudurka coronavirus, waxaa shacabka Somaliyeed ku wargelineynaa in laga bilaabo BERI taariikhduna ku beegantahay 19/03/2020 aan xirnay Waaxda Faraha ee CID oo bixisa warqada dembi la’aanta muddo 15 cisho ah.” ayey tiri Zakiyo Xuseen Axmed.

Dowladda federaalka ayaa wada qorshe ballaaran oo looga hortagayo caabuqa Corona, iyadoo muddo 15 cisho ah la xiray goobaha waxbarashada ee magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this