Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo ciidamo tababar ugu soo xirtay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Midowga Africa ee AMISOM ayaa tababar muddo socday ciidamo ka tirsan Jubbaland ugu soo xiray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Tababarka oo muddo 12 maalmood ah socday ayaa waxay AMISOM u qabatay ciidamo ka tirsan kuwa nabad galyada waddooyinka ee maamulkaasi.

Saraakiisha ka qeyb galay tababarkaan oo ahaa 25 sarkaal ayaa waxa ay qaateen ciwaano kala duwan oo ay ka mid tahay shuruucda waddooyinka, xakameynta shilalka iyo baarista kiisaska shilalka ee ka dhaca deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Qaar ka mid ah saraakiisha ilaalada nabad galyada waddooyinka ee ka qeyb galay tababarka  ayaa sheegay in khibrado hor leh ay faa’iideen, islamarkaana ay ugu adeegi doonaan bulshada deegaanada maamulka Jubbaland.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo AMISOM ay tababar u qabaneyso saraakiil ka tirsan Jubbaland, gaar ahaan kuwa ilaalada nabad galyada wadooyinka ee maamulkaasi.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada:

ETYWwV-WAAE_Dro ETYWxoHXYAAEwyc Jubbaland

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this