Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabuuti Oo Xaqiijisay Qofkii Ugu Horreeyay Ee Laga Helay Cudurka Coronavirus.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jabuuti)-War hada soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaa in Goordhow dalka Jabuuti laga helay Kiiskii ugu horreeyay ee Cudurka halista ee Coronavirus, kaasi oo kusii faafaya dalal badan oo ku yaalla Caalamka.

Wasiirka Caafimaadka Jabuuti, Maxamed Warsame Diiriye oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa u xaqiijiyay in qof u dhashay dalka Spain laga helay, kaasoo dalka gaadhay 14-kii bishan.

Cudurkan saf-marka ah ayaa maalmo ka hor laga helay dalka Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya.

Cudurka Coronavirus ayaa marka hore kasoo bilaamay dalka Shiinaha, waxaana u geeriyooday in ka badan 7,000 qof, halka kumanaan kalena uu soo ritay, iyadoona ay xusid mudan tahay in boqlaal qof kalena ay ka bogsadeen

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this