Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ku dhawaaqay waqtiga uu joojinayo tababarka ciidamada DANAB

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska howlgalada AFRICOM ayaa sheegay inaysan qorsheyn in waqtiyada dhow ay joojiyaan tababarada ay siiyaan Ciidamada DANAB ee Soomaaliya.

Iyada oo Waaxda Difaaca Mareykanka culeys lagu saarayo dib u eegista joogitaanka Ciidamada mareykanka ee Africa  iyo meelo kale, AFRICOM waxay saadaalineysaa inay sii wadi doonto horumarinta  waxa ay ugu yeertay “Hillaaca Guusha” ilaa 2027, Miguel Castellanos, ku xigeenka agaasimaha howlgalada AFRICOM, ayaa hadalkaas ku sheegay wareysi uu siiyey Military Times.

Ciidamada Soomaalida ah ee Dowladda Mareykanka tababarka siiso ayaa waxaa loo yaqaanaa Kumaandooska DANAB, waana guuto ka tirsan ciidamada Dowladda oo si gaar ah loo tababaray.

“Danab waa ciidamada leh kartida ugu badan, si gaar ah gudaha Soomaaliya,” ayuu Miguel Castellanos, isagoo tilmaamay in ay rajeynayaan in tababarada ay joogsan doonan marka la gaaro sanadka 2027-da.

Waqtiga ay AFRICOM sheegtay inay joojin doonto tababarka Ciidamada Dowladda ee DANAB ayaa waxay ku aadan tahay 10 sano kadib markii ay Ciidamada Howlgalka Gaarka ah ee Mareykanka ay markii ugu horeysay ka qeyb qaateen tababar dhallaanka lagu siinayey sidii ay ula dagaalami lahaayen Al-Shabaab.

Ciidamada uu Mareykanka u tababaro Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sanadkii 2013 waxaa lagu bilaabay 150 askaro, waxayna hadda tiro ahaan gaarayaan 800 Boqol ilaa 1000 Askari, wuxuuna qorshaha AFRICOM yahay in ciidamadaas la gaarsiiyo illaa 3 Kun oo Askari.

Bancroft Global Development oo ah shirkad aan dowli aheyn, balse la shaqeyso Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa la siiyey qandaraaska qorsita Ciidamada DANAB ee loo tababaro Dowladda Soomaaliya.

Bancroft Global Development, marka ay diiwaan geliso Ciidamada, waxay si toos ah ugu wareejisaa Taliyaasha Ciidamada Mareykanka, waxaana markaas wixii ka dambeeyo la siiyaa tababar ku saabsan farsamooyinka dagaalka iyo sidii ay howlgalo uga sameyn lahaayeen goobaha halista ah oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka AFRICOM waxaa la sameeyey sanadkii 2007 si looga hortago khatarka Al-Qaacidda ee qaaradda Africa, illaa haddana si rasmi ah looma oga guutooyinka ka joogo Soomaaliya sababo ku saabsan badbaadinta Ciidanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this