Sign in to follow this  
Deeq A.

Amarkii Khayre ee xirida goobaha waxbarashada oo dhaqan galay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta inta badan magaalada Muqdisho ka dhaqan galay amarkii xalay ka soo baxay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ee ku aadanaa in la xiro goobaha waxbarashada, sababo ku aadan cudurka Coronavirus.

Xarumaha iskuulladda iyo kuwa Jaamacadaha ayaa maanta badi hirgaliyey amarkaasi, iyaga oo fasaxay ardayda, lana wadaagay fariinta ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ee aheyd in la xiro muddo illaa 15 cisho ah, si looga hortago faafinta cudurka Coronavirus.

Tallaabadaasi oo muhiim u ah xakameynta cudurkaan oo fara ba’an ku haya caalamka ayaa waxaa sidoo kale si aad ah u boggaadiyey dadka Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka ayaa horay u soo saartay amar lagu joojinayo duulimaadyada caalamiga ah ee ee garoonka Aadan Cadde, kaas oo caawa kadib dhaqan-gali doono.

Sidoo kale taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta hakiyey muddo 15 cisho ah howlaha waaxda faraha ee hay’adda CID oo bixisa warqadda dambi la’aanta.

Dhammaan tallaabooyinkaan ayaa qeyb ka ah qorshaha ay dowladda dhexe ee Soomaaliya uga hortageyso COVID19, iyadoo sidoo kale ku dhawaaqday inay u dooneysay la tacaalida cudurkan lacag gaareysa 5 milyan oo Doller-ka Mareykanka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this