Deeq A. Posted March 18, 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen qeybo ka mid ah gobolka Sh/Hoose. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu qaaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Janaale ee gobolkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in labada dhinac ay sidoo kale is-weydaarsadeen tiro madaafiic ah. Ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidanka Bangarafta Soomaaliya ayaa ku dhintay weerarka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Xaaladda Janaale oo dhowaan ay la wareegeen ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa hadda degan, iyadoona ciidamadu dhaq dhaqaaqyo cusub ay ka bilaaabeen halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites