Sign in to follow this  
Deeq A.

Dadka U Dhintay Cudurka Coronavirus Oo Sii Korodhay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-West Vergina)-Cudurka Coronavirus ayaa gaadhay dhammaan 50-ka gobol uu dalka Mareykanku ka kooban yahay, iyada oo gobolka West Vergina kiiskii ugu horreeyey ee cudurka laga helay shalay.

Marki shaaca laga qaadayey kiiska ugu horreeyeyna Badhasaabka Wes Virginia Jim Justice wuxuu yidhi: “waanu ogayn iney tani imaneyso.”

Magaalada New York waxaa la saaray xayiraad la mid ah midda saaran San Francisco aagga Bey.

Dalka Mareykanka ilaa iyo iyo hadda inta la xaqiijiyey waxaa laga helay 6,000 oo kiis oo cudurka Coronavirus iyada oo ay dhimashaduna gaadhay 105.

Dunida oo dhan kiisaska cudurka ee la helay waaxaa lagu qayaasaa 200,000 oo kiis iyo 8,000 oo dhimasho ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this