Deeq A. Posted March 18, 2020 (SLT-Addis Ababa)-Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Caddde ee Magaalada Muqdisho. Raysal Wasaare Kheyre iyo wafditiisa oo ay kamid yihiin xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada iyo xubno kale ayaa u ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, iyagoona laga sii sagootiyay garoonka Aadan Cadde. War qoraal ah oo laga soo saaray Xafiiska Raysal Wasaare Kheyre ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu Addis Ababa kulamo kala duwan uu kula qaadan doono Madaxda dowladda Itoobiya. Faah-faahin intaas ka badan laga bixin Safarka uu Xasan Cali Kheyre ugu ambabaxay dalka Itoobiya, hayeeshee waxaa la xaqiijiyay inuu la kulmi doono Madaxda Itoobiya. Si kastaba Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyrea ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo Maanta uu ku egyahay duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee Soomaaliya imaan jiray iyo kuwii ka bixi jiray, waxaana xusid mudan in dalka Itoobiya laga helay dhowr qof oo qaba Cudurka haliska ee Coronavirus Source Share this post Link to post Share on other sites