Sign in to follow this  
Deeq A.

KHAYRE oo safar deg-deg ah ugu ambabaxay Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay dhanka magaalada Addis Ababa ee caasimadda wadanka Itoobiya.

Khayre iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku sii sagootiyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaliya.

Lama shaacin u jeedka safarka deg-dega ah ee uu ra’iisul wasaaruhu ugu ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Warar hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaase sheegaya in safarka Khayre uu la xariiro kulamo uu la qaadan doono madaxda sare ee dalkaasi, iyaga oo ka wada hadli doono xiriirka labada dowladood, arrimo ku aadan cudurka Corona iyo xaaladda gobolka.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ayaa kulamo la qaadan doono qaar ka mid ah xubnaha safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Safarka Khayre oo aan horay loo sii shaacin ayaa ku soo aadaya, iyadoo qorshuhu yahay in caawa 12:00 saqda dhexe la joojiyo duulimaadyada caalamiga ah ee garoonka diyaaraha magaalada Muqdisho, sababo la xariira cudurka Corona oo fara ba’an ku haya caalamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this