Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ku yaalla duleedka Janaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar rogaal celis ah oo dagaalyahannada Al-Shabaab saacadihii la soo dhaafay ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Sh/Hoose.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa ragg fuliyey waxa ay la bartilmaameedsadeen saldhig duleedka Janaale ay ka sameysteen ciidamadii dhowaan qabtay deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka oo socday in muddo ah ay labada dhinac sidoo kale isku weydaarsadeen tiro madaafiic ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidanka Bangarafta Soomaaliya ee dhowaan la geeyey deegaanka Janaale.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, waxaana ilo deegaanka ah ay innoo sheegeen ciidamada dowladda ay howlgallo cusub ka bilaabeen duleedka deegaanka.

Janaale oo maalin ka hor ay si buuxda ula wareegeen ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ka talinayey dagaalyahannada Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this