Deeq A. Posted March 18, 2020 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay in xukuumaddiisa lacag gaareysa shan milyan oo Doller-ka Mareykanka ah ay ugu talagashay la tacaalida cudurka Coronavirus oo dhowaan soo gaaray Soomaaliya. Khayre ayaa sidoo kale sheegay dhammaan la xirayo goobaha waxbarashada muddo 15 maalin ah, taas oo isla maanta bilaabaneysa. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in dowladda federaalka ay goobo gaar ah u diyaarisay in lagu daaweeyo dadka uu soo ritay xanuunkaasi. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed inay muujiyaan taxadar, islamarkaana ay yareeyaan goobaha goobaha inta badan la’isugu yimaada. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites