Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka amniga oo qabtay ruux looga shakiyey Corona

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay gacanta ku dhigay ruux sheegtay inuu qabo cudurka Coronavirus oo kiiskiisii ugu horreeyey dhowaan laga helay muwaadin Soomaaliyeed oo ka yimid dalka Shiinaha.

Ruuxa sheegay inuu isaga shakiyey xanuunka ayaa lagu qabtay agagaarka isbitaalka Digfer ee magaalada Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Ciidanka ammaanka ayaa isku hareereeyey gaariga uu watay ninkaasi, iyadoona sidoo kale goobta ay tageen dadweyne fara badan.

Maalin ka hor ayey aheyd markii dowladda ay ku dhawaaqday kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus oo laga helay muwaadin lagu karantiilayey garoonka Aadan Cadde

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this