Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Puntland oo shirweyne isugu yeertay DF iyo dowlad goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimadda Online) – Maamul Goboleedka Puntland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada ku casuumay shir weyne looga tashan doono xaaladda Siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka heer Federaal.

Go’aankan ayaa looga dhowaaqay war-murtiyeed laga soo saaray shirkii wada-tashiga Puntland ee magaalada Garoowe ka socday tan iyo 15-kii bishan March.

Ma cadda in dowladda Soomaaliya ay aqbali doonto ka qeyb-galka shirkaas, ayada oo ay u badan tahay inaysan ogolaan doonin in Puntland ay hagto nidaamka siyaasadda dalka.

Dowladda federaalka ayaa horey u sheegtay in madaxweynaha Puntland Saciid Deni ay ku casuuntay Muqdisho, si ay uga wada-hadlaan khilaafka labada dhinac, taasi oo sida ay sheegtay uu ku gacan seeray.

Sidoo kale, war murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Puntland ay qaadacday sharciga doorashooyinka heer federaal oo ay ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalana uu saxiiday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War-murtiyeedka shirka ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay in ay kasoo horjeedo nidaamka federaalka isla markaana u awood-sheeganeyso maamulada, ayna caburineyso siyaasiyiinta kasoo horjeeda.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in doorashooyinka qorshuhu yahay in ay dalka ka dhacaan aysan noqon karin qof iyo cod, maadaama ay Al-Shabaab wali haysato qeybo badan oo dalka kamid ah.

Madasha oo ay ka qeybgaleen in ka badan kun ergo ah oo isugu jirta goleyaasha dowladda Puntland, madax haatan xil ka heysa waddanka iyo siyaasiyiin ayaa waxay socotay muddo saddex maalmood ah.

Puntland ayaa sharcigaas ku tilmaamtay inuu yahay mid baalmarsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka u yaalo isla markaasna dalka ku celinayo nidaamka 4.5 ee qeybsiga Beelaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this