Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: War-murtiyeedka Shirka Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka Wada-tashiga Puntland oo mudda saddex maalmood ah ka socday magaalada Garoowe ayaa laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 11 qodob oo ku wajahan Arrimaha gudaha Puntland iyo sidoo kale guud ahaan xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Qodob kamid ah War-murtiyeed ka soo baxay Shirk, ayaa lagu sheegay in Puntland ay Shir weyne Wada-tashiya ku casuntay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka, si looga tashado khilaafka labada dhinac iyo arrimaha doorashooyinka soo socda ee 2020/2021.

Sidoo kale, Puntland waxay qaaddacday Sharciga doorashooyinka heer Federaal oo ay ansixiyeen labad Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, uuna saxiixay madaxweyne Farmaajo, Sharcigaas oo Puntland ku tilmaantay mid baal-marsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka, islamarkaana dalka ku celinaya Nidaamka 4.5 ee Saami qeybsiga Beelaha.

Dhinaca kale Shirka ayaa lagu go’aamiyay in la qabto Shir weyne heer Puntland ah oo looga arrinsanayo soo celinta degaannada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ka maqan gacanta Puntland.

Balse, war-murtiyeedka faahfaahin loogama bixin wakhtiga Shirkaasi dhacayo, halka lagu qaban doono iyo cidda lagu casumay midkoodna.

Sidoo kale War-murtiyeedka ayaa dowladda Puntland ugu baaqay in la dardar geliyo barnaamijka Dimoquraaddiyeynta Puntland, islamarkaana si dhakhso ah loo dhiso maxkamadda Dastuuriga ah oo go’aanno ka gaari karta, haddii khiaaf Dastuuriya yimaado.

Halkaan ka akhriso war-murtiyeedka oo dhan

1-20.jpg?w=1000&ssl=1 2-17.jpg?w=1000&ssl=1 3-17.jpg?w=1000&ssl=1 4-11.jpg?w=1000&ssl=1 5-16.jpg?w=1000&ssl=1 6-13.jpg?w=1000&ssl=1 7-12.jpg?w=1000&ssl=1 8-10.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Akhriso: War-murtiyeedka Shirka Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this