Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo Shir Wada-tashiya ku casuntay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Puntland, ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ku casuntay, Shir weyne looga tashanayo xaaladda Siyaasadeed ee dalka, gaar ahaanna khilaafka ka taagan Arrimaha doorashooyinka heer Federaal.

Qodob kamid ah War-murtiyeed ka soo baxay Shirka Wada-tashiga Puntland, oo Galabta lagu soo geba-gabeeyay magaalada Garoowe, ayaa lagu sheegay in Puntland ay Shir weyne Wada-tashiya ku casuntay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka, si looga tashado khilaafka labada dhinac iyo arrimaha doorashooyinka soo socda ee 2020/2021.

Sidoo kale, Puntland waxay qaaddacday Sharciga doorashooyinka heer Federaal oo ay ansixiyeen labad Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, uuna saxiixay madaxweyne Farmaajo, Sharcigaas oo Puntland ku tilmaantay mid baal-marsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka, islamarkaana dalka ku celinaya Nidaamka 4.5 ee Saami qeybsiga Beelaha.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo Shir Wada-tashiya ku casuntay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this