Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ku warramaya in dabley hubeysan maanta weerar ay ka fuliyeen halkaasi.

Weerarka oo ka dhacay bartamaha magaalada ayaa lagu soo waramayaa inuu geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Idaacadda Shabelle ee Muqdisho u xaqiijiyey in weerarkaan lagu dilay nin la sheegay inuu ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda maaliyadda Puntland oo magaciisa lagu sheegay, Saleebaan Axmed Shire, iyadoo ay ku dhaawacmeen illaa 2 ruux oo uu mid ka mid ah yahay askariciidanka maamulkaasi ka tirsan.

Shaqsiyaadka weerarka ka dambeeyey ayaa sidoo kale  lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen falka kadib.

Weerarkaan ayaa ku soo beegmaya, xilli saacadihii la soo dhaafay laamaha amniga Puntland ay sheegeen inay Boosaaso ku qabteen xubno lala xiriirinayo Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this