Sign in to follow this  
Deeq A.

Biixi oo ka hadlay qorshaha ay uga hortagayaan Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa faah faahiyey qorshaha uu maamulkiisa uga hortagayo Coronavirus.

Muuse Biixi ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay wado dadaallo looga hortagayo xanuunka, iyadoona baaris ka bilowday meelaha laga soo galo  Somaliland.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay kiiskii ugu horreeyey ee caabuqa Corona laga helay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan garoonka Aadan Cadde, sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-Muuse-Biixi-Coronavirus.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this