Deeq A. Posted March 17, 2020 Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa faah faahiyey qorshaha uu maamulkiisa uga hortagayo Coronavirus. Muuse Biixi ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay wado dadaallo looga hortagayo xanuunka, iyadoona baaris ka bilowday meelaha laga soo galo Somaliland. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay kiiskii ugu horreeyey ee caabuqa Corona laga helay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan garoonka Aadan Cadde, sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-Muuse-Biixi-Coronavirus.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites