Deeq A. Posted March 17, 2020 Qoysas barakacayaal oo hor leh ayaa saacadihii la soo dhaafay soo gaaray duleedka Muqdisho, kuwaas oo ka soo qaxay dagaallada ka socda gobolka Sh/Hoose. Barakacayaashaan oo aad u daruufeysan ayaa lagu soo dhoweeyey kaam ku yaalla deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho. Inta badan qoysaskaasi ayaa waxa ay ka soo barakaceen deegaanka Janaale iyo tuulooyinka ku xeeran oo ay shalay la wareegeen ciidanka Xoogga dalka. Mid ka mid ah haweenka barakacayaasha ayaa Shabelle uga warbixisay xaaladdooda, iyadoo baaq u dirtay madaxda dowladda federaalka iyo hay’adaha samafalka. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-1-jaamac.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites