Deeq A. Posted March 17, 2020 Bayaan ay soo saartay safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa lagu xaqiijiyey in diyaaradaha Turkish Airlines ay si KMG ah u joojiyeen duulimaadyadooda Muqdisho. Safaarada Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegtay in diyaaradaha wadankaasi laga leeyahay ay mudo laba todobaad ah aysan imaan doonin magaalada Muqdisho, kadib markii xukuumadda Soomaaliya ay xaqiijisay kiiskii koowaad ee Coronavirus ee dalka. Diyaaradaha sumadoodu tahay calanka Turkiga ee Turkish Airlines ayaa wixii ka dambeeya 18-ka bishaan Maarso oo berito ku beegan imaan doonin Muqdisho, xayiraadaasina ay socon doonto muddo 15 maalmood ah, sida lagu yiri qoraalka. Si kastaba ha’ahaatee diyaaradaha Turkish Airlines ayaa duulimaayadooda Soomaaliya bilaabay sanadkii 2012-kii waxaana ay isaga kala gooshaaan Istanbul iyo Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites