Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Saadaq Warfaa oo shirka Garoowe ka yiri “Puntland ma diidi karto sharciga doorashooyinka”

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimadda Online) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Saadiq Xirsi isla markaasna ka tirsan xubnaha sida weyn ugu ololeeyo Nabad iyo Nolol oo khudbad ka jeedinayey shirka watashiga Garoowe oo galay Maalintii Sedexaad ayaa ka hadlay khilaafka Dowladda Dhexe iyo Maamulka Puntland.

Wasiirka oo halkaas ka jeediyey khudbad kulul, ayaa sheegay in Maamulka Puntland uusan marnaba ka hor imaan Karin sharciga doorashooyinka eee lasoo marsiiyey labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya isla markaasna uu saxiixay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Puntland ma dhihi karto ma aqbalayno sharciga doorshooyinka Qaranka ee ay ansaxiyeen Golaha Shacabka iyo Galaha Aqalka sare, kadibna uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo,” ayuu yiri Wasiir Warfaa.

Wasiirka ayaa ku baaqay in khilaafka taagan lagu xaliyo wadahadal iyo is faham isagoo Madaxweyne Deni ka codsaday inuu u raaco Magaalada Muqdisho si halkaas looga furo shirweyne Soomaaliyeed.

Wasiir Warfaa ayaa xusay inay Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay xalinta waxybaaha ay tabaneyso Puntland ayna iyaga diyaar u yihiin inay howshaas qeyb ka noqdaan.

Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa sheegay inuu rajeenayo in shirka Puntland laga soo saaro war murtiyeed u wanaagsan Puntland iyo Umadda Soomaaliya.

Maanta ayaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo shirka wadatashiga Puntland, waxaana laga soo saari doonaa murtiyeed ku saabsan xaaladda Siyaasadeed ee dalka ku jiro iyo mustaqbalka iyo danaha Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this