Deeq A. Posted March 17, 2020 Ciidamada Booliska maamulka Somaliland oo howlgal ka sameeyey gudaha magaalada Laascaabood ayaa gacanta ku soo dhigay dad lala xiriirinayo dilka taliyihii sirdoonka gobolka Sool, Cabdiqani Guhaadoo xalay lagu khaarijiyey magaaladaasi. Taliyaha Booliska ee gobolka Sool, Axmed Cabdullaahi Cabdi ayaa warbaahinta u sheegay in dilkaasi ay u soo qab qabteen illaa saddex ruux oo la tuhmayo. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in raggaasi ay ku wareejiyeen hay’adaha Garsoorka Somaliland, islamarkaana ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Ammaanka Laascaanood ayaa muddooyinkii la soo dhaafay faraha ka sii baxayey, iyadoo dhowaan lagu dilay guddoomiyihii maxkamadda gobolka Sool, Xasan Sheekh. View the full article Share this post Link to post Share on other sites