Sign in to follow this  
Deeq A.

Canada Oo Dalkeeda Ka Mamnuucday Ajaaniib Badan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Canada)-Raysal Wasaaraha Canada, Justin Trudeau ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa laga mamnuucay inay galaan dadka ajaaniibta ah marka laga reebo muwaadiniinta Mareykanka iyo dadka heysta deganaanshaha joogtada ee waddankaasi.

Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay xakameynta fayraska Corona.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa lagu amray in aysan geyn wadankaasi dadka lagu arko calaamadaha cudurka, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha.

Mr Trudeau wuxuu ka dhawaajiyay in go’aannada uu dalkiisa qaatay uu ku wargeliyay hogaamiyeyaasha dalalka G7 ee uu iskaashiga kala dhexeeyo.

“Xilli fayraska uu sii faafayo, waxaan go’aansannay in aan qaadno tallaabooyin si aan u ilaalinno badqabka qoysaska,” ayuu yidhi Trudeau.

Raysal wasaaraha wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in tallaabooyinka ay ka qeybqadaan karaan badbaadinta dad badan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this