Deeq A. Posted March 17, 2020 Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo u diray shacabka Soomaaliyeed farriin ku aaddan caabuqa Coronavirus (Covid-19) ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay dowladda Soomaaliyeed ilaalinta badqabka caafimaad ee dalka. Madaxweynaha ayaa xusay in caabuqan oo ku faafay dalal badan ay diiwaan gelisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya bukaan laga helay oo ah muwaadin Soomaaliyeed, arrinkaas oo ay tahay in uu feejignaan dheeraad ah u horseedo shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed sidii ay ugu midoobi lahaayeen xakameynta iyo ka hortagga cudurkan. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u hoggaansamaan talooyinka caafimaad iyo awaamiirta dowladeed ee lagaga hortagayo faafidda cudurka Covid-19 oo ay ugu horreyso in la yareeyo isu-socodka, safarrada iyo isu-imaanshaha laga maarmi karo. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay dar-dar geliso tallaabooyinka iyo qorsheyaasha ka hortagga cudurkan, lana mideeyo cududda iyo caqliga shacabka iyo Dowladda Soomalaiyeed si aynu uga gudubno marxaladdan adag. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay cudurka Caronavirus appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites