Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo ka hadashay dilkii Taliye Cabdiqani Guhaad

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland Cabdiqani  Maxamuud jiidhe ayaa ka hadlay dil xalay Magaalada Laascaanood loogu geystay  Taliyihiin Ciidanka Sirdoonka Magaaladas Cabdiqani Guhaad Xasan.

Guddoomiye Cabdiqani Maxamuud ayaa marka hore tacsi u diray qoyska iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Taliye Cabdiqani Guhaad oo xalay kooxo hubeysan ay ku dileen afaafka hore ee gurigiisa.

Isaga oo war qoraal soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Sool ayaa waxaa ku sheegay in Shacabka ku dhaqan Gobolka iyo laamaha amniga looga baahan yahay inay iska kaashadan sugida amniga gacan adag-na isaga qabtaan ragga geysta falka  amniga lidka ku ah.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Goboolka Sool ayaa laamaha amniga faray in ay gacanta kusoo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka loo geystay Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Somaliland ee Laascaanood, kaasi oo xalay la toogtay.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo ka hadashay dilkii Taliye Cabdiqani Guhaad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this