Deeq A. Posted March 17, 2020 Kooxo hubeysan ayaa saacadihii la soo dhaafay gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dilay mid ka mid ahaa dadka deegaanka. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cabdullaahi Weydow oo ahaa sida la tilmaamay madaxa laanta shirkadda Hormuud ee xaafadda Nasteexo. Ilo deegaanka ah ayaa innoo dheegay in dilka uu ka dhacay isgoyska Nasteexo, iyadoona raggii fuliyey ay goobta isaga baxsadeen. Wararka qaar oo ay heshay Shabelle ayaa sidoo kale sheegaya in dilka marxuumka uu salka ku hayo aano Qabiil. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas ioo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, balse ma jirto weli faah faahin ay ka bixiyeen dhacdadaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites