Deeq A. Posted March 17, 2020 Wararka ka imaanayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi lagu xiray dad kala duwan kadib markii xalay magaalada lagu dilay Taliyihii Sirdoonka Somaliland ee gobolka Sool. Taliye Cabdiqani Guhaad ayaa fiidnimadii xalay lagu dilay gurigiisa hortiisa kadib markii dableey hubaysan ku weerartay halkaasi sida ay sheegeen goob-joogayaal ku sugan Laascaanood. Ciidanka Booliiska Somaliland oo dilkaasi kadib hawlgallo ka sameeyay gudaha Laascaanood ayaa soo qabtay ilaa saddex ruux oo lagu tuhmayo dilka Taliye Guhaad kuwaasi oo haatan ay gacanta ku hayaan laamaha Dambi barista. Magaalada Laascaanood ayaa maalmahan dambe waxa ku soo badanayey dilalka qorshaysan iyadoo horay halkaas loogu dilay Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Sool ee Somaliland Xassan Sheikh Maxamuud. PUNTLAND POST The post Laascaanood: Dad loo qabtay dilkii Taliye Guhaad appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites