Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii baarayey dilka gudoomiyihii maxkamadda gobolka Sool oo caawa la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Laascaanood (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in caawa halkaas lagu dilay Taliyihii ciidamada dembi baarista booliska ee gobolka Sool.

Sarkaalkaas oo lagu magacaabi jiray Cabdiqani Guhaad ayaa waxaa la sheegay in caawa lagu hor dilay guri uu ka deganaa degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Taliye Guhaad uu gacanta ku hayey baaritaanka dilkii 2-dii bishan isla magaalada Laascaanood loogu geystay guddoomiyihii maxkamadda gobolka Sool Xasan Sheekh Maxamuud oo qarax gaarigiisa loogu xiray.

Dabley aan heybtooda la garaneyn ayaa dishay taliyaha, xilli uu ku sugnaa afaafka hore ee gurigiisa, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoog ahaa goorta uu falkaasi dhacayey.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta iskaga baxsatay, waxaana caawa degmada Laascaanood baaritaano la doonayo in lagu soo qabto ragaas ka wada ciidamada ammaanka Somaliland ee ka howlgala Laascaanood.

Gobollada waqooyi ee Soomaaliya ayaa ka bad-qabay dilalka qorsheysan ee sida qarsoodida ah loo fuliyo, kuwaas oo intooda badan ka dhaca koonfurta Soomaaliya.

Laascaanood oo xarun u ah gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa dilka caawa loogu geystay Taliyihii ciidanka dembi barista booliska gobolkaas, waxa uu noqonayaa dilkii labaad ee loo fuliyo si qarsoodi ah, mudo laba todobaad ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this