Deeq A. Posted March 16, 2020 Muqdisho (SMN) – Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada xoogga dalka ay si rasmi ah ula wareegeen magaalada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay kala wareegeen Al-Shabaab. Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa sheegay in ciidanka ay si buuxdo gacanta ugu dhigeen Janaale, isagoo intaa ku daray in ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaano dheeraad ah. Taliyaha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Janaale inay xoojiyaan la shaqeynta ciidanka amniga. View the full article Share this post Link to post Share on other sites