Deeq A. Posted March 16, 2020 Wasaaradda caafimaadka XFS ayaa maanta xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus laga helay qof ka yimid dibadda oo lagu karantiilayo garoonka Muqdisho. Fowsiyo Abiikar Nuur oo ah wasiirka wasaaraddaasi ayaa sheegtay in qofka laga helay cudurka uu yahay muwaadin Soomaaliyeed. Wasiirada ayaa tilmaamtay in qofkaasi uu ka mid ahaa muwaadiniin ay dowladdu ku karantiileysay garoonka, islamarkaana baaritaan kadib hal qof laga helay caabuqa. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in muwaadinka laga helay xanuunkaan uu ka yimid mid ka mid dalalka uu sida ba’an u sameeyey Corona, inkastoo aysan shaacin dalkaasi. Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in gabi ahaan ay mamnuucday duulimaadyada caalmiga ah ee soo gaari jiray gudaha Soomaaliya. Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in laga bilaabo dhammaadka maalinta 18-ka bisha Maarso lix saac habeenimo la joojiyey duulimaadyada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Oomaar ayaa tilmaamay in go’aankaan uu yimid, kadib markii uu kulan deg deg ah golaha wasiirada uu isugu yeeray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre. DF ayaa muddooyinkii dambe waday qorshe ballaaran oo ay uga hortageyso cudurka Coronavirus oo fara ba’an ku haya caalamka, kaas oo asalkiisa ka soo bilowday shiinaha View the full article Share this post Link to post Share on other sites