Deeq A. Posted March 16, 2020 Taliska howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa tababar muddo socday gudaha magaalada Muqdisho ugu soo gabagabeeyey saraakiil ka tirsan isla howlgalkaasi. Tababarkaan oo muddo todobaad ah socday ayaa waxaa bixinayey saraakiil khubaro ah oo ka tirsn howlgalka nabad ilaalinta ururka Midowga Africa ee AMISOM. Sidoo kale tababarka ayaa ku saabsanaa arrimaha bani’aadanimada, sida looga hortagayo miinooyinka dhulka lagu aaaso iyo mandate-ka QM iyo AMISOM. Saraakiisha tababarka loo qabtay oo dhowaan dalka yimid ayaa ka soo kala jeeda wadamada Ghana, Zambia, Uganda and Sierra Leone. Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan kumanaan ciidamo ah oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM, waxaana ciidamadaasi ay ka soo kala jeedaan wadamada Kenya, Itoobiya, Burundi, Uganda iyo Jabuuti, waxaana sanadka dambe la filayaa in AMISOM ay guud ahaan Soomaaliya isaga baxdo, iyadoona Qaramada Midoobay sanadkii 2018-kii ay soo saartay qaraarka ay uga baxayso Somalia. View the full article Share this post Link to post Share on other sites