Deeq A. Posted March 16, 2020 Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda howlgallo ballaaran ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyada xoogooda ayaa waxaa si gaar ah looga dareemayaa deegaanka Janaale oo saacadihii la soo dhaafay ay gaareen ciidamo ka tirsan milatariga Somalia. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay inay arkayeen ciidanka dowladda oo wata gaadiidka oo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada tuulooyin ku xeeran deegaankaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dowladda ay madaafiic ku garaaceen qeybo ka mid ah deegaanka Janaale, walow aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyey, sida ay xaaladdu tahay. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-Cabdiqani-gobolka-shabellaha.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites