Deeq A. Posted March 16, 2020 War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa looga hadlay weeraro isugu jiray qarax iyo madaafiic oo saacadihii la soo dhaafay ay ka fulisay magaalada Boosaaso ee G/Bari. Qoraalka Al-Shabaab lagu sheegay in tiro madaafiic ah ay la beegsadeen saldhig ciidamada Puntland ay ku leeyihiin agagaarka dekedda magaaladaasi. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in qarax ka dhacay duleedka Boosaaso ay ku dishay sarkaal ciidan oo magaciisa ay ku soo koobtay Asad. Dhinaca kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Puntland oo ku aadan weeraradaasi iyo khasaaraha ka dhashay. Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab oo ku xoogan buuraleyda ee Bari ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites