Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegtay weeraro ka dhacay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa looga hadlay weeraro isugu jiray qarax iyo madaafiic oo saacadihii la soo dhaafay ay ka fulisay magaalada Boosaaso ee G/Bari.

Qoraalka Al-Shabaab lagu sheegay in tiro madaafiic ah ay la beegsadeen saldhig ciidamada Puntland ay ku leeyihiin agagaarka dekedda magaaladaasi.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in qarax ka dhacay duleedka Boosaaso ay ku dishay sarkaal ciidan oo magaciisa ay ku soo koobtay Asad.

Dhinaca kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Puntland oo ku aadan weeraradaasi iyo khasaaraha ka dhashay.

Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab oo ku xoogan  buuraleyda ee Bari ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada magaalada Boosaaso ee xarunta  gobolkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this