Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo walaacsan amniga gobolka Waqooyi Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidamada Boliska gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, Generaal Nicodemus Ndalan oo ka hadlayey xaaladda amaan ee gobolkaasi ayaa sheegay in aysan laamaha ammaanka oo kaliya ka adkaan karin dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab.

Gen. Nicodemus  ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada degmooyinka Gaarisa, Mandera iyo Wajeer ka dalbaday inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in bulshada iyo dadka deegaanka ay uga qeyb qaadan karaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, inay xogaha iyo akhbaaraadka ay helaan ogeysiiyaan hay’adaha sirdoonka, si looga hortago suurta galnimada ay weeraro dhici kara.

Ugu dambeyn taliyaha ciidamada Booliska ee gobolka Waqooyi Bari ayaa saraakiisha ciidamada kula dardaarmay in ay si dhow ula socdaan dadka rayidka ah ee la shaqeynaya hay’adaha ammaanka, islamarkaana ay siiyaan mudnaan gaar ah iyo tix-gelin muhiim ah.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ay ka fuliso dalka Kenya, gaar ahaan deegaannada dhaca xadka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this