Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland: sarkaal fashiliyay inqilaab ka dhana Axmed Madoobe oo la dallacsiiyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Dalacsiin.jpg?resize=1000%2C710&ssl=1Sarkaalka la dallacsiiyay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta oo Isniin ah dallacsiiyay sarkaal lagu magacaabo Mahad Islaam oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Jubaland.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa lagu sheegay in Gaashanle Mahad Islaam loo dallacsiiyay darajada Gaashanle dhexe, kadib markii uu fashiliyay inqilaab ay wadday dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay ula wareegto degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Sarkaalka la dallacsiiyay, ayaa horay u soo bandhigay sheeko uu sheegay in ay dhexmartay isaga iyo saraakiil ka tirsan hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka ee NISA, kuwaas oo ka dalbaday inqilaab ka dhana dowlad goboleedka Jubaland, balse uu diiday.

Dhinaca kale, madaxweynaha oo kulan gaar ah la qaatay Sarakiisha Ciidamada Darawiishta ee ku sugan Degmada Afmadow ayaa uga mahad celiyay shaqada ay halkaasi ka hayaan sida ku xusan qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Jubaland.

PUNTLAND POST

The post Jubaland: sarkaal fashiliyay inqilaab ka dhana Axmed Madoobe oo la dallacsiiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this